Dhageyso: Xildhibaan Muuse Sheekh Cumar” Xukuumada Way Gacan Bidixaynaysaa Gedo”

0

Gedo (AGGM): Xildhibaan Muuse Sh Cumar ayaa Ku Eedeeyay Dawlada Soomaaliya Wax Ka Qabasho La’aanta Abaaraha Ku Dhuftay Gedo. 

Xildhibaan Muuse Sh Cumar Jiisow Oo kamid ah xildhibaanada ka soo jeeda gobolka Gedo ayaa dawlada Soomaaliya ku eedeeyay gacan bidixayn ay ku hayso gargaarka umadda Soomaaliyeed loogu talagalay kaddibmarkii sida uu sheegay uu soo arkay macaluul baahsan oo gobolka Gedo ka jirto, taasoo aysan waxba ilaa iyo haatan ka qabanin xukuumada Soomaaliya.

Xildhibaanka ayaa tilmaamay in abaaraha ka jiro gobolka Gedo ay sababo in dadkii iyo xoolihii isku si wax loo siiyo, tannoo uu sheegay inay tahay xaalad halis badan, loona baahanyahay in xukuumada ay jawaab ka bixiso si gargaar umadaas loo gaarsiiyo.

Halkaan ka dhageyso Xildhibaan Muuse Sh Cumar

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com