Daawo Sawiro Xildhibaanad Saado oo Muqdisho lagu aasay

0

Muqdisho (AGGM) Allaha unaxariistee waxaa maanta Magaalada Muqdisho Aas Qaran loogu sameeyay Marxuumad Saado Cali Warsame oo shalay Duhurkii kooxo hubaysan ay ku toogteen Xaafada Taleex ee Degmada Hodan Gobalka Banaadir.

Meydka Marxuumad Saado Cali Warsame, ayaa Salaada Janaasada waxaa lagula dukaday Masaajidka Madaxtooyada, halkaasi oo ay kula dukadeen Madaxweynaha dalka, Ra’iisul Wasaaraha iyo Guddoomiyaha Baarlamaanka iyo Wasiiro kale oo ka tirsan Xukuumadda.

Intaasi kadib ayaa waxaa meydka Marxuumada loo qaaday Isbitaalka Madiina ee Magaalada Muqdisho, halkaasi oo lagu aasay, waxaana Duugta ka qeybgalay Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya C/wali Sheekh Axmed Maxamed, Wasiiro ka tirsan Xukuumadda, Xildhibaano, iyo Fanaaniin badan.

Dadkii ka qeybgalay Duugta ayaa muujiyay dareen murugo leh oo ay kaga xun yihiin dilka Arxandarada ah ee loo geystay Xildhibaanad Saado Cali Warsame oo iyada iyo darawalkii uwaday gaariga shalay rasaas lagu harqiyay ay ugeeriyoodeen.

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya C/wali Sheekh Axmed Maxamed oo goobta aaska ka hadlay, ayaa sheegay in Xukuumadda Soomaaliya aysan ka hari doonin dadkii ka dambeeyay dilka loo geystay AUN Xildhibaanad Saado Cali Warsame.

Abwaan Maxamuud C/laahi Sangub oo isagana goobta ka hadlay ayaa isaga oo ilmeynaye, wuxuu sheegay inuu aad uga naxay geerida Xildhibaanad Saado Cali Warsame, wuxuuna ilaaheey uga baryay inuu Janada ugu Bishaareeyo.

Dilalka ka dhacaya Magaalada Muqdisho, ayaa muujinaysa sida Dowladda Federaalka Soomaaliya ay ugu fashilantay ammaanka Magaalada Muqdisho, maadaama goobta lagu dilay Xildhibaanad Saado Cali Warsame ay aheyd goob ay ka agdhawaayeen ciidamada Dowladda Federaalka Soomaaliya, balse aysan ku bixin ragii dilay Saado.

1 2 3 4 5

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com