Xildhibaano Eedeeyay Xasan Sheekh Iyo Cabdi Wali Sheekh

0

Jowhar(AGGM) Tan iyo mudadii ay madaxweynaha iyo xukuumada Soomaaliya ay u igmadeen in Guddi Farsamo oo ka kooban 18 Xubnood in ay Maamul u sameeyeen Gobolada Baay, Bakool iyo Sh.Hoose ayaa waxaa isa soo taraya xildhibaanada arrintaas ka soo horjeeda.

Xildhibaano ka tirsan Baarlamaanka Soomaaliya oo ka soo jeeda Gobolka Sh.Hoose ayaa hadalo adag u adeegsaday laba masuul ee dalka ugu sareysa, waxey ku eedeeyay Madaxda DFS in ay ku takrifalayaan Awoodii Dowladnimo ee loo dhiibay.

Xildhibaan Cismaan Xaaji Cali oo ka mid ah Mudaneyaasha Baarlamaanka Soomaaliya oo ka soo jeeda Gobolka Sh.Hoose ayaa sheegay in Madaxda DFS sida Madaxweyne Xasan Sheekh iyo Ra’iisul Wasaare C.wali in ay dhiiri gelinayaan in Dadka ay raacaan Al Shabaab islamarkaana Al Shabaab ay yeeshaan Awood badan.

Xildhibaan Axmed Cumar Isloow oo ka mid ah Xildhibaanada Baarlamaanka oo isna ka soo jeeda Gobolka Sh.Hoose ayaa sheegay in Madaxda Dowladda Soomaaliya ay u tafaxeeteen in Beelo gaar ah ay xuquuqdooda ay ku tuntaan isagoo ka dalbaday Beesha Caalamka in aysan taageerin islamarkaana aysan dhaqaalo ku bixin sida uu hadalka u dhigay Guddiga Farsamo ee loo qorsheeyay in Maamul ay u dhisaan Gobolada Baay, Bakool iyo Sh.Hoose.

Dawlada Soomaaliya ayaa horaan si lamid ah waxaa loogu eedeeyay in ay qas iyo jaho wareer ka abuurtay gobolada Jubbooyinka kaddibmarkii ay aqoonsatay horjoogaha koox beeleedka Raaskambooni Axmed Madoobe.

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com