Ximan iyo Xeeb” Odayaal Ayaanu U diraynaa Caabudwaaq, khilaafkana wadahadal Halagu Xalliyo”

0

Cadaado (AGGM) Madaxweyne k/xigeenka maamulka Ximan iyo Xeeb Cabdi Maxamed Axmed Nuur ayaa ugu baaqay in beelaha walaalaha ah ee ku dagaalamay degmada Caabudwaaq ay colaadooda si deg deg u soo afjaraan.

Cabdi Maxamed Axmed ayaa sheegay in xilligan aan la joogin waqtigii dagaallada sokeeye, oo loo baahan yahay in laga shaqeeyo aayaha iyo horumarka bulshada degmadaas. Wuxuuna ku baaqay in ay khilaafkooda wadahadal ku xalliyaan.

Cabdi Maxamed Axmed Nuur ayaa xusay in maamulkoodu uu qorsheynayo in odayaal dhaqameed uu u diro degmada Caabudwaaq si ay wax uga xalliyaan xiisadda halkaas ka jirta.

Waxaa sidoo kale socda kulamo ay degmada Caabudwaaq ku yeelanayaan odayaasha dhaqanka ee gobolka, maamulka degmada, saraakiisha qeybta 21-aad ee ciidanka xoogga dalka.

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com