Xog Hoose: 5 Qodob Oo Sababay In Amaandarada Kismaayo Ay Gaarto Meel Halis Ah

0

Kismaayo(AGGM) Kismaayo waxay ahayd magaalo nabad iyo iswalaalsi lagu yaqaanay balse muddooyinkan dambe waxay isu badeshay goob dhiilo colaadeed.

Tan iyo markii Alshabaab ay laba jibaareen weerarada ay ku qaadayaan gobolka xeebta Kenya iyo meel kale oo kamid ah dalkaas, oo dhaqaalihii iyo dalxiiskii Kenyana uu daciifay ayaa waxa niyad jab iyo mooraal xumo daran ay soo wajahday ciidamada Kenya ee xooga ku haysta Kismaayo.

1-      Waxaa hoos u dhacay niyada askariga Kenyaatiga ah- Isagoo maalin walba qalabka warbaahinta kala socda kala jabka ka taagan baarlamaanka dalkaas iyo doodaha kulul oo ku aadan in ciidamada laga soo saaro Soomaaliya maadaama ay Kenya haysato xaalad ku daba dhaw mida Soomaaliya ka taagan- sidaas darted waxaa Kenyaatiga jooga Kismaayo ay taasi ku qasabtay inay faraha ka laabtaan amaanka Kismaayo.

2-      Hoos u dhac ku yimid lacagihii baada ahaa oo ay Kenya ka qaadan jirtay dekada Kismaayo kaddibmarkii uu dhacay suuq xumo iyo kala yaac ku yimid dadkii ku dhiiranaa inay maalgashadaan magaalada.

3-      Beesha caalamka oo ka walwalsan mustaqbal gobolada Jubbooyinka, iyagoo u arkay in hal beel ah kaliyah ay meesha maamulato sidaas darteedna aysan u taageeri Karin

4-      Umaddii magaalada lahayd oo u arkay koox beeleedka Raaskambooni caddowgooda koobaad, hubkana gurtay, waxaa jiray dhawr beelood oo magaalada dibada uga maqan.

5-      Raggii sirdoonka u ahaa Axmed Madoobe oo markii hore Alshabaab ahaa, fahansanaana qidada dagaal oo qaarkood la laayay, wixii kalena isaga cararay magaalada.

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com