Xog: Horjoogeyaasha Maleeshiyada Raaskambooni Oo Dhawaan Xiriirka U Jaraya Dowladda Federaalka.

0

Kismaayo, AGGM: Ilo wareed ku sugan gudaha magaalada Kismaayo oo si hoose ugu waramay Warbaahinta Allgalgaduud Media ayaa waxa auu sheegay in magaaladaasi ay ka socdaan wadatashiyo u socdaan horjoogeyaasha maleeshiyo beeleedka Raaskambooni kuwaa oo looga tashanayay qaabki xiriirka loogu jari lahaa Dowladda Federaalka Soomaaliya.

Goobjoogahan ku sugnaa shirarkan ayaa waxa uu inoo xaqiijiyay sheegay in ay Horjoogeyaasha maleeshiyo beeleedka Raaskambooni isku raaceen in xiriirka loo jaro dowladda Federaalka Soomaaliya, sida ugu dhaqsiyaha badana looga baahiyo Warbaahinta gudaha dalka iyo dibeddiisaba.

Maanta ayay ahayd markii uu Madaxweynaha maamulka la magac baxay Puntland Cabdiweli Maxamed Cali uu ku dhawaaqay in Maamulkiisa uu gabi ahaan xiriirka u jareen dowladda Federaalka Soomaaliya.

Waxaa isa soo taraya mucaaradad ka dhanka ah dowladda Federaalka Soomaaliya, haddii deegaanada kale ee dalka looga dhawaaqo in Xiriirka loo jaray dowladda Federaalka ayaa waxa ay sababi kartaa in Dowladda Madaxweyne Xasan Sheekh iyadoo aan dhameeysan waqtigeeda ay meesha ka baxaan Mas’uuliyiinta dalka ugu sareeysa.

Isku soo wada duuboo Mucaaradada Dowladda Federaalka ayaa waxaa sii dheer colaado baahsan oo kal aloosan qeeybo ka mid ah gobolada dalka Soomaaliya oo Xukuumada iyo Madaxda dalka ugu sareeysa ay ku fashilmeen xal u helida colaadahaas.

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com