Xog: Safiiro Damu-Jadiid Ah Oo Lagu Wado In La Magacaabo

0

Caabudwaaq (AGGM) Safiiro cusub ayaa warar hoose oo laga helay madaxtooyada ay sheegayaan in ay dawladu doonayso in u magacawdo wadamo dhawr ah oo ku yaalla qaaradaha Eshiya Iyo Yurup, iyadoo wadama lagu in loo magacaabo ay ku jiraan Shiinaha iyo Carabta wadamo ah.

Warar qarsoodi ah ayaa tirade safiiradaas u dhigay illaa 20 Safiir oo muhiim ah, waxaana jira in ay jiraan dhinacyo kala duwan oo ay hunguri kaga jiraan inay ku lug yeeshaan safiiradaas. Wasiiradda Xukuumadda Soomaaliya ayaa hormuud ka ah dadka u qanqal taagaya inay helaan safiiro ay iyagu gaystaan wadamadaas.

Ninka ugu awooda badan Damu Jadiid wasiirka Garsoorka iyo arrimaha dastuurka  Faarax Cabdiqaadir ayaa doonaya in dhamaan safiiradaas laga wada dhigo damu jadiid halka iyo raisul wasaaraha iyo wasiiro dhowr ahn ay doonayaan in safiirada si saami ah loo qeybiyo.

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com