Xog+Sawiro: Qaab Noocee Ah Ayaa Loo Dilay Allaha U Naxariistee Xildhibaanad Saado Cali Warsame.

0

Muqdisho, AGGM:Kooxo Hubeysan oo gaari watay ayaa maanta rasaas culus waxa ay huwiyeen gaari ay wadatay Xildhibaanad Saado Cali Warsame oo katirsaneed Baarlamaanka Soomaaliya sidoo kale aheed Fanaanad qaran oo Dalka iyo dibada si weyn looga yaqaanay.

Goob joogeyaal ayaa ku waramay in dabley hubeesan oo gaari Cabdi Bille ah watay ay rasaas badan huwiyeen xili ay Xildhibaanada ay ku dhaweed Hotelkii ay dagneed ee Ambasadoor ee Magaalada Muqdisho.

Allaha U naxariistee waxaa weerarkaasi ku dhintay Xildhibaanad Saado Cali Warsame iyo Darawalkii gaariga u waday, weerarka ayaana ka dhacay halka loo yaqaan Xaaji baasto oo ku dhaw daarta Taree Biyaano ee Magaalada Muqdisho.

Kooxihii weerarka geestay oo watay gaari Cabdi Bille ah aadna u hubeesnaa ayaa goobta isaga baxsaday, Waloow dadka goobjoogeyaasha ay sheegayaan in Dilka Xildhinaabada  ay geysteen Ciidamada dowladda,  maadaama ay goobjoogayaasha ay arkayeen  in Ragga dilka geeystay ay ku labisnaayeen direeska Ciidamada Dowladda gaariga ay wateena uu ahaa Cabdi Bille, ma jiraan ilaa hada cid sheegatay Masuuliyada dilka maanta loo geestay Xildhibaanadan ummada Soomaaliyeed si weyn quluubtooda ugu weyneed.

Dilka kadib waxaa goobta soo gaaray in mudo ahna xiray laamiga Ciidamo katirsan Dowlada Soomaaliya kuwaa oo durba bilaabay baaritaano , waxaana meydka Xldhibaanada goobta laga qaaday daqiiqado kadib.

Dilka maanta Magaalada Muqdisho loogu geestay Xildhibaanad Saado Cali Warsame ayaa noqonaysa Xildhibaanki labaaad oo bishan gudaheeda lagu dilo magaalada Muqdisho, Dilkan ayaana sii kordhinaya cabsida iyo walaaca lasoo darsay xildhibaanada Baarlamaanka.

Magaalada Muqdisho tan iyo curashadii bisha barakeesan ee Ramadaan waxaa ka dhacayay Dilal iyo qaraxyo qorsheesan oo lagu dilayay masuuliyiin katirsan Dowlada , Ciidamo iyo waliba dad shacab ah , mana jiraan ilaa hada cid loo soo qabtay falalkaasi amaan daro ee ka dhaca Magaalada.

saado5 sado3 saado1 saado4 saado2

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com