Xusseen Aar” Ganacsiga Islii Hoos Ayuu U Dhacay”

0

Nairobi (AGGM) Xuseen Aar  oo ah gudoomiyaha ganacsatada Islii ayaa quus ka muujiyey sida uu u socdo ganacsiga Soomaalida Islii oo uu sheegay in uu gaabis xoogan ku yimid.

Masuulkaan u hadlay guddiga ganacsatada Islii ayaa sheegay in ganacsatada ay dhimeen waxyaabihii ay dibadaha ka keeni jireen kaddib cabsi soo food saartay.

Soomaalida waxaa saameeyay qabqabasho ay u gaystaan ciidamaad Kenya, iyadoo la rumeysanyahay in Soomaali badan ay meelo kale oo ay kamid tahay koonfurta Suudaan iyo Ugaandha ay gacansigooda u wareegsadeen.

Ganacsiga Soomaalida Islii wuxuu ahaa midka ugu xoogan geeska Afrika, iyadoo maalin walba ay gacmaha ganacsatada isku dhaafi jireen lacago gaaraya malaayiin Doolar.

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com