20 Lagu Xirxiray Xeraale Oo Dambiyada Loo Haysto La Shaaciyey

0

Xeraale(AGGM) Maxamed Cali Maxamed oo ah taliyaha amniga deegaanka Xeraale  ayaa sheegay in ay xireen ilaa 20 qof oo laysto dambiyo.

Dhagaf ayaa sheegay in ciidamada ammaanka ee Xeraale ay xireen dadkaan oo loo haysto dambiyo xaalufka deegaanka la xiriira.

Deegaanka Xeraale iyo guud ahaan deegaanada waqooyi Galgaduud ayaa waxaa dhibaato xoog leh ku haya xaalufka deegaanka, taasoo keenta in abaaraha iyo biyo la’aantu ay deegaanadaas ku sii badato.

Taliyaha ayaa intaas ku daray ay dhamaan maxaabiistan ay ku jiraan gacanta taliskooda ayna cadaalada hor geyn doonaan si dambiyadood loogu qaado.

Taliyaha amniga deegaanka Xeraale  ayaa ka digau dad uu sheegay in ay xaaluf ku hayaan deegaanada Xeraale, isagoo ku baaqay in arrintaas laga hortago.

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com