Alshabaab oo difaac cusub sameystay+ Buulo-mareer oo ….

0

Sida ay sheegayaan dadka deegaanka ciidamo badan oo ka tirsan Alshabaab ayaa lagu arkayaa deegaano ka tirsan degmada Buulo-mareer iyo xaafadaha degmadaasi.

Dadka ku dhaqan Buulo-mareer ayaa inoo xaqiijiyay in Alshabaab fariisimo cusub ay ka sameysteen wadada soo gasha degmadaasi oo qiyaastii 7 km u jirta degmada Buulo-mareer.

Wararka ayaa sheegaya in ciidamada ALshabaab ay doonayaan inay dagaal la galaan ciidamada dowlada Soomaaliya iyo kuwa AMISOM ee doonaya inay qabsadaan degmada Buulo-mareer.

Alshabaab ayaa maalmihii ugu dambeeyay amaro kusoo rogayay shacabka ku dhaqan degmada Buulo-mareer oo ay ka mid ahaayeen inay isaga cararaan degmada Buulo-mareer.

La soco waxii kusoo kordhaa Insha Allah