Alshabaab” Anaga Ayaa Dilnay Xildhibaan Madeer”

0

Muqdisho (AGGM) Afhayeenka dhinaca ciidamada Alshabaab Cabdcaziiz Abuu Muscab ayaa sheegay in inay dileen Allaha u naxariistee xildhibaan Sheekh Aadan Madeer  oo ahaa madaxii guddiga maaliyadda Baarlamaanka Soomaaliya.

Xildhibaan waxaa salaadii jimcaha isagoo ka soo baxay toogtay koox bistoolado ku haysan. Abuu Muscab wuxuu ku celiyey in dhankooda ay ka go’antahay waxa uu ku sheegay in umadda laga hor leexiyo kuwa ciidamada shisheeye u sharciyeeyay qabsashada dalka Soomaaliya. Isagoo kala jeeday xildhibaanada iyo masuuliyiinta dawlada.

Xildhibaan Sheekh Aadan madeer ayaa  dilkiisa waxaa si weyn uga xumaaday umada Soomaaliyeed oo ay naafeeyeen colaado sokeeye iyo dilalka jahliga ah ee ay gaysanayaan kooxaha argagixisada ah.

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com