Alshabaab Oo Sheegtay Inay La Wareegtay Tuulo Mareexaan Iyo Haanooy

0

Luuq (AGGM) Ciidamo ka tirsan Alshabaab ayaa xalay si kooban hal mar ah ula wareegay gacan ku haysta tuulooyinka Tuulo Mareexaan iyo Haanooy oo ka tirsan Luuq.

Alshabaab ayaa sheegtay in markii ay tuulooyinkaas gaareen ay isaga carareen goobta ciidamo ka tirsan kuwa dawlada ee halkaas ku sugnaa.

Tuulo Mareexaan waxay u jirtaa 2KM halka Haanooy ay u jirto ilaa 5KM. Ma jirin wax dagaal ah oo halkaas ka dhacay.

Alshabaab ayaa dhaqdhaqaaq cayiman oo ay duurka lug ku maraan u haysta deegaano badan oo kamid ah Koonfurta iyo bartamaha Soomaaliya.

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com