AMISOM Oo Qaaday Tillaabo Looga Hortago Eboola

0

Muqdisho(AGGM) Col.  Cali Aadan Xaamud oo ah afhayeenka AMISOM ayaa sheegay in AMISOM ay joojisay badelka ciidamada iyo isku socodkooda tan iyo markii Eboola uu ka dilaacay galbeedka AFrika.

Eboola wuxuu ka dilaacay dalal ay kamidtahay Sierra Leon oo ay ciidamo ka joogaan Soomaaliya.

Afhayeenka Ciidamada AMISOM ayaa sheegay inta uu jiro Eboola inaan wax ciidan cusub ah laga keeni doonan dalalka uu ka jiro Eboola.

Viruska  Eboola ayaa wuxuu ka jiraa dalalka ku yaalla galbeedka Africa. Mana lahan wax talaal ama daawo ah, isagoo dilay inkabadan 600 oo qof.

Afhayeenka Ciidamada AMISOM Col. Cali aadan Xaamud ayaa sheegay in AMISOM ay ka feejiganyahay in Ebola uu u soo gudbo Soomaaliya.

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com