Ciidamada dowlada oo xaafado Muqdisho kamid ah howlgalo kawada

0

Ciidamada nabadgelyada dowlada Federaalka Soomaaliya ayaa saaka howlgallo balaaran oo lagu xaqiijinayo ammaanka ka wada xaafado ka mid ah degmada Heliwaa ee Gobolka Banaadir.

Howlgalkan oo bilowday waaberigii hore ee saaka ayaa ciidamadu isku fidiyeen xaafadaha SOS, suuqa xoolaha ilaa waxaracadde, waxeyna guri guri u baarayaan xaafadaaha, iyagoo xiray dhamaan waddooyinka .

Ciidamada ayaa howlgalkani ku baadi goobaya Falaago al-shabaab ah oo la rumeysanyahay iney ku dhuumaaleysanayaan xaafadahaasi, iyagoo si gaar ah u bar tilmaameedsanaya baro mucayin ah.

Howlgalkan ayaa ka dambeeyay kadib markii sarkaal ka tirsan ciidamada amaanka shalay qarax lagula beegsaday agagaarka cisbitalka SOS ee degmadaasi