Daawo: Golaha Midnimada iyo Nabada Jubba oo ka hadlay Shirka Dib u heshiisiinta ee dhowaan ka dhacaya Magaalada Kismaayo.

0

Muqdisho, AGGM:Waraysi ay la yeelatay Shabakada Allgalbeed,gudoomiye ku xigeenka Golaha Midnimada iyo Nabada Jubbooyinka Kornayl Cabaas Maxamuud Cadow ayuu kaga warbixiyay Arimo badan oo la xiriira Gobolada Jubbooyinka iyo weli gobolka Shabeellada dhexe oo maalmo kahor loo magacaabay Gudoomiye cusub.

Wariye Cabdi Naasir Xasan Cabdi oo Waraystay Kornayl Cabaas ayaa ugu horayn waxaa uu wax ka weydiiyay Arimaha Jubbooyinka gaar ahaana Shirka dib u heshiisiinta Beelaha ee Bisha September ka furmaya Magaalada Kismaayo ayna abaabuleen Maamulka Jubba ee uu hor kacayo,Axmed Madoobe.

Sidoo kale Kornaylka ayaa Waraysiga ay la yeelatay Shabakada allgalbeed,waxaa uu kaga hadlayaa Maamulka cusub ee loosoo magacaabay Gobolka Shabeellada dhexe,isagoona ku baaqay in Beesha uu kasoo jeedo ee Gaaljecel ay hesho gudoomiye ku xigeenka,maadaama ay tahay Beesha labaad ee gobolkaasi ugu badan.

Kornayl Cabaas oo kamid ahaa mucaaradka sida aadka ah u dhaliili jiray siyaasada Maamulka Jubba ee Axmed Madoobe ayaa haatan u muuqda in uu kasoo dabcay,waxaana sida uu Waraysiga ku sheegay uusoo dhoweeyay Shirka dib u heshiisiinta ee Maamulka Axmed madoobe soo qaban qaabiyay,kana dhacaya Magaalada Kismaayo bisha September.

 

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com