DAAWO:-Jeneraal Dhega Badan oo sir cusub u sheegay ciidanka xooga dalka xilli,,,,

0

Abaanduulihii hore ee ciidamada xooga dalka Soomaaliyeed Generaal Cabdi kariin Yuusuf Aadan Dhagabadan, ayaa si adag ciidamada xooga dalka Soomaaliyeed, wuxuu kula dar-daarmay inay guud ahaan dalka Soomaaliya ka saaraan Xoogaga Al Shabaab.

Isaga oo ka hadlayay munaasabad tababar loogu soo xiray Saraakiil ciidanka Dowladda ka tirsan oo lagu qabtay dalka Uganda, ayaa Dhagabadan wuxuu sheegay in ciidamada xooga dalka Soomaaliyeed ay saaran tahay masuuliyada xureynta dalka Soomaaliya.

Generaal C/kariin Yuusuf Aadan wuxuu usheegay Saraakiisha tababarka loo soo xiray in masuuliyada dagaalka iyo eeda amnidarada dalka aysan laheyn Madaxda dalka, balse ay dusha saaranayaan ciidamada Xooga dalka Soomaaliyeed, maadaama iyaga laga rabo in Shabaab ay la dagaalamaan.

“Madaxweyne Wadanka Difaaciisa idinka ayuu idiin dhiibay, Ra’iisul Wasaaraha idinka ayuu idiin dhiibay, cid kale laga sugi maayo, cid kale oo eed leh ma jirto difaaca wadanka maxaad dad kale uga sugeysaan idinkaa ka masuul ah”Ayuu yiri Generaal Dhagabadan.

Generaalka ayaa nasiibdaro ku tilmaamay in Al Shabaab ay ku soo guryo noqdeen Magaalada Muqdisho, iyadoo loo baahnaa in dalka dhan laga saaro.

Abaanduulihii hore ee ciidamada xooga dalka Soomaaliyeed ayaa yiri “Idinka ayaa la rabaa Kooxaha dhiigya cabka, qowlatada, jid iyo jiha diidka idinka ayaa la rabaa inaad dalka ka bixisaan, ma’ahan inay dalka kusoo noqdaan waa idiin ayaan daro inay xamar dib ugu soo noqdaan”

Dowladda Soomaaliya ayaa dhawaan ku dhawaaqday inuu biloowday wajiga labaad dagaal guud ahaan dalka Soomaaliya looga saarayo Al Shabaab, waxaana howlgalkaasi loogu magacdaraday (Indean Ocean) iyadoo hada uu ka socdo Gobalka Shabeelaha hoose deegaano ka tirsan iyo Gobalka Hiiraan.