Daawo: Muuqaal Naxariis Daro Ah Koox Burcad Badeed Soomaali Ah Oo La Tooganayo

0

Suva(AGGM) Muuqaal video ah oo uu internetka soo dhigay  qof arday jaamacadeed ah oo ku nool wadanka Fiji ayaa wuxuu muujinayaa 4 ruux oo Somali ah oo si arxan daro ah loo tooganayo.

Dhacdadan ayaa waxa ay ka dhacday meel ka baxsan biyaha Fiji sida ay sheegeen dadkii doontii la weeraray lahaa oo la hadlay booliiska  magaalada Suva.

Muqaalkan ayaa la sheegay in sanad ka hor la qaaday laakiinse waxaa ku jira muuqaalo argagax leh.

Kooxdan Somalida ah ayaa la sheegay inay weerareen doon balse markab laga leeyahay Taiwan ayaa sida la sheegay soo aaday doontii ay wateen Somalida, isagoo geddiyey deedna markii ay biyaha ku daateen kooxdii wadatay ayaa laga dhex arkayaa iyagoo mid mid u tooganaya.

Halkaan Ka Daawo, Hana Argagixin

 

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com