Daawo: Nicholas Kay Oo Ka Dhawaajiey War Aan Farxad Galin Somaliland.

0

Wakiilka UN u qaabilsan Soomaaliya Nicholas Kay ayaa wareysi uu siiyey HCTV, waxaa la hor dhigay su’aalo aan waayadan la weydiin. Waxaana muuqata inuu qaadkood uu uga baxay ” NO” Su’aalaha la weydiiyey waxaa ka mid ah:

1. Somaliland 23 sano ee ugu danbeeyey waa madaxbanaaneed, adigana waad ogtahay, hadaba maxay tahay go’aanka siyaasadeed ee UN ka aaminsan yihiin Somaliland?

Jawaab: Go’aankeena waa in aan Somaliland ka caawino dhamaan waxyaabaha u ah daruuriga noloshooda, sida waxbarashada, caafimaadka, biyaha iyo wixii kale ee la midka ah.

2. UN-ka oo aad wakiil ka tahay waxay Somaliland u aqoonsan yihiin Waqooyiga Somaliland, haddab sidaasi ma kaa aqbaleen wasiirka arrimaha dibada iyo madaxweynaha Somaliland?

Jawaab: Waxaa xaqiiqo ah oo aad adigana ogtahay in Somaliland ay ka mid tahay Soomaaliya, balse ay rabaan inay ka madaxbanaanaadaan Soomaaliya, taasina ay keento inay sidii dowlad gaar ah u dhaqmaan, sidoo kale UN waxay u aqoonsan yihiin Somaliland inay ka mid tahay Soomaaliya. Marka waa laba xaqiiqo oo u baahan in la wada eego. Wixii kasoo baxana waanu eegi doonaa.

Ducaale iyo Keyd

3. Soomaaliya waa kasii xumaaneysaa sidii tan iyo markii lagusoo magacaabay, maxaa yeelay meelkasta oo ka mid ah ciidamo ajabani ah ayaa fadhiya, marka sow lama dhihi karo dalkaasi oo dhan Maxmiyad UN ayaad geliseen ?.

Jawaab: Waxaan ku leeyahay MAYA. Waxaana jawaabtaasi ay keentay inuu joogsado su’aalihii wariye Maxamuud Ducaale. Haddana uu bilowdo Su’aalaha tififtiraha HCTV.

4. Xafiiska UN ee Hargeysa aad iminka ka furtay, ma Muqdisho ayuu hoos tegi doonaa?

Jawaab: Waxaa xafiiskeyga uu hoos tagaa New York. Waxaana jawaabtan u muuqataa mid uu ku doonayey inuusan xasaasiyad kale oo Muqdisho ah ku abuurin reer Somaliland.

5. Xaqiidu waa inaad Muqdisho ku nooshahay oo aad ka shaqeyso sow ma ahan ?.

Jawaab: Haa Muqdisho ayaan ka shaqeeyaa oo xarun weyn ii ah ,balse meelaha kale sida Garowe oo aan iminka ka imid iyo Hargeysaba howsho shaqo ayaan u tagaa, waxaana hadda usoo gudbayaa Adis Ababa oo aan iyadana howlaha Soomaaliya un u tagayo. Waxaanse rasmi ahaan ugu noolahay Muqdisho.

Haddaba wareysigan oo u muuqday mid si dhab ah loogu doonayey in banaanka loo soo dhigo siyaasada UN ee ku aadan Somaliland ayaa waxaa uu si cad u sheegay waxa ay ka aaminsan tahay Somaliland. Lamana yaqaan sida ay madaxda Somaliland iyo shacabkeeda u arkaan jawaabaha uu bixiyey Mr, Nicholas Kay.

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com