Daawo Sawirada:Doorka Qurbojoogta Soomaaliyeed ay ku leeyihiin Dibudhiska iyo Horumarka Soomaaliya.

0

Waxaa sharaf weyn ii ah in aan idin kala qeybgalo kulankan khuseeya Qurbojoogta Soomaaliyeed, waan idin soo dhaweynaynaa, waxaana idin rajeynayaa wadaxaajood lagu lafa guro kaalinta Qurbojoogta Soomaaliyeed ay ku leeyihiin Soomaaliya kaas oo u hogaamin kara natiijoyin wax ku ool ah Dadkeena iyo Dalkeena.

ilaa 1.5 milyan oo Soomaali ah ayaa ku nool guud ahaan qaaradaha aduunka, waxayna u soo xawilaan dhulkooda hooyo lacag lagu qiyaasay $ 2bn, taasina waxay ka badantahay gargaarka caalamiga ee ay beesha caalamka siiyo Soomaaliya. Qurba joogta Soomaaliyeed waxay ka qeyb qaataan kor u qaadida Waxbarashada, Daryeelka caafimaadka, Kaabayaasha Dadweynaha iyo Ganacsiga gaarka loo leeyahay. Dibudhiska hadda ka socda Soomaaliya waxaa hormuud ka ah Qurbajoogta Soomaaliyeed.

Adduunka waxaa uu muujinaya danaha uu ka leeyahay Soomaaliya kaliya in aysan aheyn muhiimadda (mowqica) istaraatijayadeed ee wadankeena laakiin sidoo kale, hantida ballaaran ee khayraadka, sida Kheyraadka Badda iyo Kaluumaysiga, Shidaalka iyo Gaaska, Beeraha iyo Xoolaha, iyo sidoo kale Khayraadka dabiiciga ah ee kale.

Soomaaliya waxay leedahay 2 webi iyo 8 milyan oo hektar oo dhul beereed ah. Waxay sidoo kale leedahay 3,300 km xeeb, waana xeebta ugu dheer Afrika oo hodan ku ah kheyraadka badda. Waxayna hanatay kayd weyn oo macdanta uranium ka ah iyo kheyraad kale oo qaali ah.

Qurba joogta Soomaaliyeed waxay heer sare ka gaareen sare u qaaidda wajiga cusub ee horumarka. Isabaabulka waa nooca ugu sarreeya ee lagu gaaro guusha . Sidaas daraaddeed Qurbojoogta Soomaaliyeed waxay go’aansadeen in ay qaabeeyaan awooddooda sidii ay gacmahooda ku hanan lahaayeen Wadankooda. Masuuliyadda dhisidda Wadanka, Xasilinta iyo Dibudhiskiisuba waa mid annaga si gaar ah inoo saaran iyo dalkeenaba .

Taasi waa sababta igu kaliftay inaan bogaadiyo hindisaha ay qaateen 100 hoggaamiyeyaal Qurbojoog Soomaaliyeed kuwaas oo ku kulmay Istanbul 21-22-of June 2014, iyagoo matalata dhammaan Jaaliyadaha Soomaaliyeed ee ku nool adduunka daafihiisa, si ay u mideyaan urur aan laga lahayn dano siyaasadeed looguna magac daray Ururka Caalamiga QurboJoogta Soomaaliyeed”Global Somali Diaspora Organization “, kaas oo si heegan ugu shaqeeynaya daryeelka dhammaan dadyowga asal ahaan Soomaali ah oo aan lagu kala soocayn, Xukuumad, Gobol, Koox ama midabad Siyaasadeed midna, si ay u habeeyaan una awoodsiiyaan Jaaliyadaha Soomaaliyeed ee Qurbojoogta ah iyo in ay ku taageeraan codkooda una doodaan qaddiyadaha jaaliyadaha Soomaaliyeed ee Qurbajoogta ah iyo dadka ka nool gudaha Dalka hooyo.

Qurba joogta Soomaaliyeed waxay hore si keli keli ah ugu guuleeysteen in ay salka u dhigaan kana adkaadaan isbedbedelkii waqtiyadii adkaa ee Dalku uu soo maray iyo dhibaatadii Dowlad la’aanta iyo jawigii masiibooyinka dabiiciga ah. Waxayna u shaqeeyeen si wadajir ah iyagoona cidna kaashaaneyn iyagoo ay ku jirto ruux wadaniyadeed waxayna gaareen ujeedoyin wanaagsan oo danaha guud lagu gaarayo. Waxaana gaari doona natiijoyin sare annagoo daah fureyna ururkan cusub aasaaska cusub kaas oo salka u dhigaya kor u qaadista Soomaaliyada cusub una horseedeya Horumar, Barwaaqo iyo Mustaqbal wanaagsan . wuxuu noqonayaa Ururkan Tareenkii lagu gaar lahaa Horumar, Dibudhis iyo Dowlad Soomaaliyeed oo shaqeysa oo aan ku faani karo.

Qurbjoogta Soomaaliyeed waxay soo kordhin karaan ama ay ka qeybqaadan waxyaabahan soo socda :

Arrimaha Ammaanka ama Nabadgelyada :
Arrimaha Federaalka ;

Arrimaha Nabadgelyada
Tan iyo markii ay Colaadda ka dillaacday Soomaaliya waxay ay ka dhigtay wadanka mid aad u adag in uu la jaan qaado kobaca dhaqaale iyo horumarka ka jira wadamada kale ee Afrika , tusaale ahaan. Ka qeybgal la’aanta beesha caalamka ee horumarka Soomaaliya waxaa lagu tiriyaa in ay qeyb ka tahay Nabadgelyo-xumada ka jirta Soomaaliya. Waxa ay sidoo kale noqotay caqabadaha ugu weyn ee hortaagan xaqiijinta ujeedooyinka horumarineed ee caalamiga ah “Millennium Development Goals” (MDGs) .

Si la mid ah Dowladaha dakhligoodu uu hooseeyo iyo Dowladaha taagta yar , iyo kuwo Afrikaanka ah ee ay saameeyaan colaadaha , Soomaaliya ma aysan awoodin in ay xaqiijiso Ujeedooyinka Hormarineed ee Caalamiga ah.

Dhalinyarada ku biireysa xagjirnimada waxa ay oga sii dartay amnidarrada ka jirta Soomaaliya. sidaas darteed, Soomaalida ku nool qurbaha waa in ay ka qayb qaataan fahamka xal u helidda ku saleysan xaaladaha Siyaasadeed iyo Dhaqaale bulshadeed .Xal military kaliya ma ahan mid xaqiijin kara istiraatiijiyad dhinaca ammaanka Qaranka Soomaaliya . Qurbojoogta Soomaaliyeed waa in ay raadiyaan hindiseyaal looga hortagayo marxaladaha kala duwan ee ay leedahay xagjiriinnimad oo ay ku jiraan horumarka joogtada ah, Maalgashiga loo sameeyo bulshada la liiday, si firfircooni ah in looga qeybgeliyo dhalinyarada barnaamijyada nabad-dhisidda, awood siinta dumarka si loo xoojiyo nabadda iyo ammaanka, iyo in dhaqan celin loo sameeyo xagjiriinto hore u dagaalamay.

Qurbojoogta Soomaaliyeed waa in ay ahmiyad weyn siiyaan ammaanka aadanaha. manhajka ammaanka aadanaha wuxuu aqoonsanayaa baahida loo qabo in la falanqeeyo sababaha iyo qaababka xagjiriinimada sida xaaladda bulsho, dhaqaale, siyaasad ka fogeynta, Dulmiga, kala sooca , iyo sinnaan la’aanta ka jirta bulshada dhaxdeeda .

Qurbo joogta Soomaaliyeed waa inay ka dhaadhiciyaan bulshada caalamka in Ajandaha Horumarka 2015 wixii ka danbeeya lagu saleyo mabaadi’da Ammaanka Aadanaha iyo la dagaalanka in la noqdo xagjir iyo meelaha ay ka jirto xasaaradaha colaadaha. Ammaanka aadanaha waxa uu ka gudbayaa ceebaha Ammaanka caadiga ah ee hore loo aqoon jiray waxayna mideyneysaa ammaanka la xariira horumarka iyo ladagaalanka qataraha ka imaanaya sida cudurada, saboolnimada, gaajo, shaqo la’aanta dhalinyarada, iyo Nabaad guurka.

Qurbo Joogta Soomaaliyeed waa inay u istaagaan awood siinta dhalinyarada iyo haweenka Soomaaliyeed. Xagjirnimada waa la bedeli karaa haddii aan maalgashano dhalinyarada oo ah dadka ugu tira badan Soomaaliya. Haddii ay taasi dhacdo dhalinyarada Soomaaliyeed waxaa ay heleyaan waxbarasho tayo leh, iyo xirfadaha loo baahan yahay si ay u helaan mushaar fiican, iyo fursado lagu dhiirrigelinayo in wada hadalka bulshada, taasoo hoos u dhigi doonta jiidashada dhalinyarada ee kooxaha hubeysan iyo falal dembiyeedyada.

Qurbajoogta Soomaaliyeed waa in ay caawiyaan si loo ogaado waxyaabaha ugu fiican ee la saadaaliyo iyo in la yareeyo waxyaabaha u jiidaya dhalinyarada dhinaca rabshadaha ee dowladaha jilicsan. Waxa kale oo ay tahay in la eego arrimaha nafsaaniga ah, kuwaas oo gacan ka gaysan kara rabshadaha dhalinyarada. Tusaale ahaan, bulshada dhalinyarada-gaar ahaan dhalinyarada raga ah –waxeey u dagaalamaan si ixtiraam dadka kale u helaan.

Marka la eego awoodsiinta haweenka ee arrimaha la xiriira ammaanka, waxaa muhiim ah in qurbo joogta Soomaaliyeed ka caawiyaan haweenka xakamaynta xagjirayaasha. Haweenku waa la dhayalsaday kaalintooda ululayaasha looga hortagaayo xagjirnimada.

3

5

4

1

2
Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com