DEG DEG+Dhageyso:- Cali Maxamed Geedi iyo Xildhibaano ka mid ah DF oo u gacan galay Somaliland, Qeydiid, Buubaa iyo rag kale oo cagahooda ku baxsaday

0

Saaxdheer, AGGM: Wararka haatan naga soo gaaraya deegaanka Saaxdheer ee gobalka Sool ayaa waxay sheegayaan in xildhibaano ka mid ah Baarlamaanka Soomaaliya iyo sidoo kale siyaasiga Cali Maxamed Geedi u gacan galeen ciidamada maamulka Somaliland.

Xog ay si gaar ah u heshay Shabakada Allgalgaduud.com ayaa sheegaysa in ciidamada Somaliland ay qabteen Sedax Xildhibaan oo baarlamaanka ka mid ah, iyo sidoo kale Cali Geedi, waxaana laga yaabaa in rag kale la qabtay hase ahaatee weli lama xaqiijin.

Dhanka kale waxaa goobta ka baxsaday oo cagahooda wax ka deyay rag uu ka mid yahay Cabdi Xasan Cawaale Qeybdiid oo ah madaxweynaha Gal-mudug iyo sidoo kale Ismaaciil Hurre Buubaa.

Xaaladda weli waa mid kacsan, waxaana siyaasiinta la qabtay la sheegay in lala aaday dhanka magaalada Burco, waxaana xilliyada qaar la maqlayaa rasaas.

Dadka qaar ayaa waayay gaadiid ay ku baxsadaan, waxaana la sheegay in dadkaasi ay cagta maaleen, iyadoona wararka qaar ay sheegayaan in mas’uuliyiin ay dhaawacmeen.

Allgalgaduud ayaa xiriir la sameesay Maxamed Maxamuud Dhuunkaal oo ka mid ah saraakiisha maamulka Somaliland ayuu inoo sheegay in hadda ay wadaan rag badan oo aysan kala aqoon, laakiinse ay ka aqoonsadeen Cali Maxamed Geedi iyo sidoo kale Xildhibaano ka mid ah Baarlamaanka Soomaaliya.

Dhanka kale waxaynu wacnay Cali Khaliif Galayr oo ah madaxweynaha maamulka Khaatumo hase ahaatee Taleefankiisa Hawada ayuu ka maqan yahay.

Warar aan sidaa loo xaqiijin ayaa waxay sheegayaan in ciidamada Somaliland ay dib uga yara gurteen deegaanka Saaxdheer ee gobalka Sool.

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media

allgalgaduud@gmail.com