DEG DEG: Ciidamada DF& AMISOM oo kaabiga ku haya…..

0

Wararka aan ka helayno deegaano ka tirsan gobolka Shabeelaha Hoose ayaa sheegaya in ciidamada dowlada Soomaaliya iyo kuwa midowga Africa ay weeraro ku qaadeen fariisimo Alshabaab ay lahaayeen.

Wararka ayaa sheegaya in ciidamada dowlada ay kaabiga ku hayaan degmada Buulo-mareer ee gobolka Shabeelaha Hoose halkaasi oo muddo sanado ah ay ku sugnaayeen ciidamada dowlada.

Gudoomiyaha gobolka Shabeelaha Hoose C/qaadir Siidii oo goordhow la hadlay saxaafada ayaa xaqiijiyay in degmada Buulo-mareer ay kaabiga ku hayaan.

Wuxuu sidoo kale sheegay in weerarkaasi uu bilowday habeenimadii xalay ayna doonayaan ilaa Baraawe inay gaaraan maanta, sida uu hadalka u dhigay guidoomiye Sidii.

La soco waxii kusoo kordhaa Insha Allah.