DEG DEG:- Ciidamada Dowlada oo deegaano kale qabsaday

0

Ciidamada dowlada Soomaaliya iyo kuwa midowga Africa ee ku sugan jiida dagaalka saaka dagaalada ka bilowdeen ayaa lagu soo waramaya inay qabsadeen deegaano dhowr ah.

Ciidamada ayaala sheegayaa inay qabsadeen deegaanada kala ah Kabtan Laas, Siinaay iyo Golweyn oo u dhow degmada Buulo Mareer ee gobolka Shabeelaha Hoose.

Gudoomiyaha gobolka Shabeelaha Hoose ayaa sidoo kale xaqiijiyay inay ku dhow yihiin degmada Buulo-mareer ee gobolka Shabeelaha Hoose.

Xaalada deegaanadaasi ayaa ad u kacsan waxaana la sheegayaa in lagabaqayo dagaalo kale oo ka dhaca Degmada Buulo-mareer iyo deegaanada kale ee ku dhow dhow.

La soco waxii kusoo kordhaa