DEG DEG DHAGEYSO+Sawiro:-Col. Bare Hiiraale oo Muqdisho Oo Si diiran Loogu Soo Dhaweeyay,Warbaahinta La Hadlay.

0

Muqdisho, AGGM: Col Barre Hiiraale iyo wafdi wasiiro ah oo kasoo raacay Kismaayo, ayaa goor dhow ka soo degay Garoonka Diyaaradaha Aadan Cadde ee Magaalladda Muqdisho, isaga oo iminka ku sugan xarunta madaxtooyada ee Villa Somalia.

Barre Hiiraale ayaa waxaa la sheegayaa inay marti qaaday DF, waxaana la tilmaamayaa in socdaalkiisa Muqdisho ay ku wehliyeen Saraakiil ka tirsan Garabkiisa.

C/rashiid Sheekh Xuseen oo ah Afhayeenka Barre Hiiraale, ayaa waxa uu sheegay in Ujeedka Socdaalkooda uu yahay sidii ay DF federaalka kala hadli lahaayen Xaaladaha ka taagan Kismaayo iyo xaqiijinta Heshiisyada ay la gaarayaan DF, waxa uuna carabka ku dhuftay in Ujeedka ugu weyn uu yahay inay DFS sharaxaad ka siiyaan Qaabka uu heshiiska u dhacay.

Waxa uu sheegay in Dowlada Federaalka ay ka heleen martiqaad, sidaana ay kusoo aaden Magaalada Muqdisho, balse waxa uu ka gaabsaday inta maalin oo ay qaadaneyso joogistooda.

Sidoo kale, Afhayeenka waxa uu tilmaamay in is afgarad laga gaaray wada-hadalkii ay Xukuumadda Federalka iyo Urur-gobaleedka ka odeeyeynayeen, iyadoo la isku af gartay in la qaato Heshiiska, lagana waantoobo colaadaha.

Halkan Hoose Ka Dhageyso Col Bare Hiiraale.

 

bare111

bar2

bar5 bar4 bar3 bar

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media

allgalgaduud@gmail.com