DEG DEG:- Ismiidaamin lagu qaaday Xabsiga Jilicoow Muqdisho, dagaal fool ka fool ah oo socda

0

Muqdisho, AGGM: Waxaa si lama filaan ah isku bedashay qeybo ka mid ah magaalada Muqdisho, iyadoona la maqlaayo rasaas iyo qaraxyo aad u xoogan oo warar dheeraad ah kasoo baxaayaan.

Warar aynu helayno waxay sheegayaan in rag ka mid ah Al-shabaab ay qaadeen weerar Ismiidaamin iyo Rasaas Fool ka fool ayna ku qaadeen Godka Jilacoow ee magaalada Muqdisho.

Ragaan ayaa ku labisnaa dareeska ciidamada dowladda Federaalka ee Soomaaliya, waxaana la sheegay in ay gudaha u galeen Xabsiga oo ah halka ugu weyn ee taliska Nabad sugidda Qaranka Soomaaliya.

Waxay xaaladda tahay mid kacsan, lama oga qasaaraha halkaasi ka dhashay, waxaana goobta ku qul qulaaya ciidamo ka mid ah DF islamarkaana gurmad ah.

Xabsigaasi waxaa ilaa hadda ka dhex dhacay ilaa 4 Qarax oo Ismiidaamin u muuqday, waxaana goobtaasi ku xiran rag ka mid ah Al-shabaab, mas’uuliyiin iyo Wariyaal.

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media

allgalgaduud@gmail.com