DEG DEG:- Xaalad aan caadi ahayn oo Saaxdheer laga soo sheegaayo iyo ciidamo badan oo…

0

Saaxdheer, AGGM: Wararka ka imaanaaya degmada Saaxdheer ee gobalka Sool ayaa waxay sheegayaan in xaalad adag ay halkaasi ka taagan  tahay ka dib markii ay deegaankaasi gaareen ciidamo aad u hubeysan.

Cali Khaliif Galeyr ayaa tagay Saaxdheer ka dib dagaal halkaasi looga saaray, waxaana wararka ay sheegayaan in ciidamada hadda yimid aysan ahayn kuwii horay halkaasi u joogay.

Ciidamadaan waa kuwo aad u hubeysan, waxaana ay doonayaan in markaan ay kolkooda duulaan xoogan ku qaadaan ciidamada maamulka Somaliland ee duleedka Saaxdheer jooga.

Mid ka mid ah saraakiisha maamulka Khaatumo State ayaa u sheegay Shabakada Alldhacdo in dhawaan ay qaadayaan duulaan aad u xoogan, islamarkaana cashir loogu dhigaayo maamulka Somaliland waa sida uu hadalka u dhigaye.

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media

allgalgaduud@gmail.com