Deg Deg: Xildhibaan Goor Dhaw Lagu Dilay Muqdisho

0

Muqdisho (AGGM) Kooxo hubeysan ayaa goor dhaw  degmada Xamar Weyne waxa ay dil ugu gaysteen Allaha u naxariistee xildhibaan Shiikh Aadan Madeer.

Xildhibaan waxa ahaa gudomiyihi gudiga maaliyada ee baarlamanka Soomaaliya. Waana xildhibaan deegaan ahaan ka soo jeeda gobolka Baay.

Ma jiraan warar intaas dhaafsiisan oo soo baxaya.  Alshabaab iyo cid kale toonana ma sheegan inay dilkaas ku lug leedahay.

Madeer wuxuu noqonayaa xildhibaankii 3aad oo muddo 40 cisho ah gudaheed lagu dilo Muqdisho. Xildhibaanad Saado Cali Warsame ayaa iyaduna dhawaan ay kooxo hubeysan sidaas si lamid ah ku toogteen Muqdisho.

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com