Dhageyso: Ahlusunna Waljamaaca “Anaga Caruurta Ma Askareyno”.

0

Muqdisho, AGGM: Gudoomiyaha Golaha Fulinta Maamulka Ahlusunna ee Gobolada Dhexe ee Dalka Soomaaliya Sheekh Cabdirisaaq Maxamed Al-ashcari oo Wareeysi siiyay Warbaahinta gudaha dalka ayaa beeniyay hadal ahaa in Ahlusunna ay Askareeyso Caruurta.

Sheekh Cabdirisaaq Al-ashcari ayaa sheegay in hadalka ka soo baxay Kooxda QM u qaabilsan Cuna qabateeynta Hubka saaran Soomaaliya iyo Elataria uu yahay mid been abuur ah oo Sal iyo raad toona aan lahayn islamarkaana hadalkaa uu sheegayay in Dhinacyada Soomaalida ay Caruurta Askareeyaan.

Isku soo wada duuboo Gudoomiyaha Golaha Fulinta Ahlusunna ayaa sheegay in hadlkaa ah in Ahlusunna ay caruurta Askareyso QM ay ugudbiyeen Dad Cadaw ku ah Hormarka iyo Jiritaanka Ahlusunna.

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com