Dhageyso: Al-Ashcari ” Ahlusuna Kuma Dhaqmayso Heshiiska”

0

Guriceel (AGGM) Guddoomiyaha guddiga fulinta ee Ahlu Sunna, Sheekh Cabdirisaaq Maxamed Cali Al-Ashcari ayaa sheegay in dhankooda aysan qeyb ka ahayn heshiiskaasi. Isagoo iska diiday in Ahlusuna ay ku dhaqmaysaa heshiiskaas.

Waxaa sii xoogaysanaya khilaafka siyaasadeed oo uu abuuray heshiiskaas, iyadoo Ahlusuna ay tusaale buuqda u noqonay inay ku kala qaybsantay heshiiskaas.

Heshiiska lagu sixiixay Villa Soomaaliya ayaa waxaa sidoo kale ka horyimid maamulka Ximin iyo Xeeb oo shalay dibadbax ka dhigay Cadaado.

Dawlada ayaa sheegtay inay heshiiska qeyb ka yihiin maamulada ka jira gobollada dhexe sida Ahlusunna Waljamaaca , Galmudug iyo  Ximan iyo Xeeb.

Halkaan ka dhageyso Guddoomiyaha guddiga fulinta ee Ahlu Sunna, Sheekh Cabdirisaaq Maxamed Cali Al-Ashcari

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com