Dhageyso: Cabdiwali Gaas “Cabdi Qaybdiid Warkii Uu Sheegay Waa Gardaro Garab Og”.

0

Muqdisho, AGGM: Madaxweynaha Maamul gobolleedka Puntland C/weli Maxamed Cali Gaas ayaa waxa uu markii ugu horeysay si cad uga hadlay waxa keenay inay kasoo horjeesadaan Maamulka Gobollada dhexe usameneyso Dawlada Somaliya.

Waxa uu ku Eedeeyey Madaxweyne Gaas Dhigiisa Maamulka Galmudug Cabdi Xasan Cawaale (Qeyb-diid) in hanjabaad uu sameeyey markii heshiiska ay saxiixeen inay Xoog ku gaarsiinayaan Gobolka Mudug Maamulka Cusub ee Gobollada Dhexe loo sameynayo cidii ka hortimaadana lala dagaalamayo.

C/weli Gaas ayaa shaaca ka qaaday inaysan iyagu cidna ku xad gudbeynin laakiin ay sameyn doonaan wax kasta oo ay iyagu u arkaan Hormarkooda inuu ku jiro.

Markii ay Heshiis ku gaareen Xarunta Madaxtooyada Soomaaliya Maamulo kala matalayey Ximan iyo Xeeb,Galmudug iyo Ahlusuna oo ay dawlada goob joog ka aheyd lana sheegay in Maamul Cusub loo sameynayo Gobollada Dhexe waxa arintaasi ka hortimid Xiriirkii wada shaqeyna ujartay Dawlada Maamulka Puntland ee C/weli Gaas hogaamiyo inkastoo hadda dhex dhexaadin laga dhex wado.

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com