Dhageyso Cod Fadeexad Ah: Madaxweyne Xasan” Reer Gedo Waan Idinla Calaacalaynaa”

0

Gedo (AGGM) Shalay waxaa magaalada Garbahaareey booqasho aan horey loo sii shaacin ku tagay madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud.

Booqashada Madaxweyne Xasan waxaa hareeyay hadal hayn badan, iyadoo uusan madaxweynaha la tagin gobolkaas wax qorshe muuqdo ah, waliba waxa uu gobolka Gedo booqday xili ay abaar ba’an halkaas ka taagantahay oo umada gobolkaas degan aysan u baahnayn damaash balse ay u baahanyihiin badbaado deg deg oo ay ka helaan dawladooda.

Odayaashii madaxweynaha kula kulmay Garbahaareey ayaa waxaa ay si cad gacanta uga saareen xaqiiqda la xiriirta in dawladiisa aysan waxbana u qabanin umada degan gobolka.

Hase ahaatee madaxweyne Xasan ayaa calaacal kala hortagay umaddii dalabka u gudbisay, isagoo ku yiri hadal in badan ka yaabiyey kaasoo ahaa anigaba waan idinla calaacalayaa.

Halkaan Ka dhageyso codka calaacalka madaxweynaha uu kala hortagay odayaashii dalabka u gudbiyey.

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com