Dhageyso: Col Bare Hiiraale Oo Ka Hadlay Heshiiski Shalay Ka Dhacay Goobweyn.

0

Goobweyn, AGGM: Col. Barre Aadan Shirre Hiiraale oo Mudooyinkaanba ku sugnaa Degaanka Goobweyn Ee Duleedka Magaalada Kismaayo ayaa ka dib markii Galinkii Dambe Ee Malaintii shalay ahayd Wasiiro Xukuumada ka socdaa ay la soo kulmeen waxaa uu sheegay in uu Shuruud la,aan diyaar u yahay in uu ka qayb galo shirka Kismaayo Tanaasulaadna uu sameeyo.

Wareysi uu Siiyay Idaacada BBC da ayuu ku sheegay warkaan Arrintan ayaana ka dambeysay kulan uu Barre la yeeshay wafdi isugu jiray wasiiro matalayey Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo wakiilo ka socday urur goboleedka IGAD.

Barre Hiiraale ayaa muudo ka badan sannad ku sugnaa degaanka Gobweyn, oo dibedda ka ah Kismaayo, isaga oo dagaalo la galay Ciidamada Axmed Madoobe oo gacan ka helayay Kenya.

Barre ayaa BBC-da u sheegay in isaga iyo hoggaamiyayaasha kale ee diiddan maammulka KMG ee Jubbooyinka loo ballan qaaday in wadahadal lagu dhamayn doono khilaafaadka.

21 bisha soo socota ayaa waxaa magaalada Kismaayo ka qabsoomaya Shirka Dib u heshiisiinta Beelaha Jubooyinka.

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com