Dhageyso Col. Cabdi Cigaal Oo Kismaayo Ku Sugan Iyo Ciidama Isbaheysiga Nabadda Jubba Oo Loo Diyaarinayo Goobihi Ay Ka Dagi Lahaayeen Magaalada Kismaayo.

0

Kismaayo, AGGM: Degmada  Goobweyn  ee duleedka Kismaayo waxaa maanta ka dhacay shir mudo socday kaas oo dhexmaray  Urur Goboleedka IGAD,Wasiiro ka socda Dowlada Somalia, xubno ka socda Beesha Calamka iyo Isbahaysiga Nabada iyo Midnimada Jubboyinka ee u hooggaamiyo  Col Barre Hiiraale.

Shirkan oo si adeg looga  dooday xal u helida dib u  hishiisinta gobollada Jubbooyinka oo ay isku heysteen maamulka Juba ee Kismaayo un ku sugan iyo isbaheysiga nabada iyo midnimada gobollada Jubba ayaa waxaa lagu gaaray hishiis u muuqda inuu meesha ka saarayo khilaafkii muddo soo jiray, islamarkaana ka dhigaya mid la wada dhisto maamulka Jubba.

Waxaana hishiiskan oo aan qodobadiisa aan dib idin kasoo gudbin doono markiiba ka dhashay in magaalada Kismaayo uu wafdiga usoo raaco Col, Abdi Cigaal oo ahaa xoghayaha gaashaandhiga ee isbaheysiga Nabada iyo Midnimiada Jubba, waxaana lagu sheegay socdaalkiisa uu Kismaayo ku yimid sidii uu u diyaarin lahaa goobta ay magaalada Kismaayo ka degayaan ciidanka Isbaheysiga iyo  hoggaamiyahooda Col, Barre Hiiraale.

Kismaayo ayaa waxaa iminka laga dareemayaa farxad ballaaran, maadaama ay ciidankii dowlada iyo kuwii Barre Hiiraale ee iminka isku noqday Isbaheysiga ku soo noqdeen Kismaayo,waxaana ay sheegeen inay taasi muujineyso inuu baaqday wax dagaal ah oo magaalada ka dhaca.

Isku soo wada duubo heshiiska hordhaca ah ee Maanta lagu gaaray Deeganka Gobweyn ayaa waxaa lagu  tilmaami karaa mid horay uga socon wayay Axmed Madoobe balse maanta u ku qasbanaday, kadib markii beesha caalamka iyo dunida daneysta taageerida maamulada federaalka ku dhisan ee Soomaaliya ay sheegeen inaysan Jubba taageeri karin inta ciidanka Goobweyn khilaafka ku maqan yahay, oo ay saacadkasta Kismaayo dagaal u joog tahay.

 

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com