Dhageyso: Dagaal Beeleed Ka Socda Degmada Mandhera Ee Dalka Kenya.

0

Mandheera, AGGM: Dagaal Beeleed khasaaro badan dhaliyey ayaa waxay ka dhacayaan maalmihii dambe Tuulooyin hoostaga Degmada Mandhera ee Gobolka Waqooyi Bari Dalka Kenya.

Dagaaladii udambeeyey waxa ku dhintay sida la sheegay dad kabadan 30 qof iyadoona weli Xiisad dagaal laga dareemayo deegaanadii labada maleeshiyo beeleed ku kala sugnaayeen.

Xildhibaan Biloow Adan Keeroow oo ka mid ah Mudanayaasha laga soo doorto deegaanka Mandhera ayaa sheegay inay iyagu la yaaban yihiin dadka kasoo horjeeda Kursiga beeshiisa kusoo gashay isagoo tibaaxay inay ku dadaalayaan daminta Xiisada dagaal ay dadka badan ku le’deen.

Sidoo kale Siyaasi lagu magacaabo Cali Maxamuud kana soo jeeda mid kamid ah Beelaha dagaalamay ayaa isagana usheegay idaacada BBC-da laanteeda Afka Soomaaliga in beeshiisa lagu soo duulay iyaguna ay ka xun yihiin dagaalkaasi dhacay dadkii dhintana ay utacsiyadeenayaan.

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com