Dhageyso: Dhacdo Xanuun Badan Gabar 12 sano Jir Oo Askar Kenyaan Ah Ay Ku Xoogeen Tuulada Khadiijo Xaaji Ee Gedo

0

Beledxaawo (AGGM) Mid kamid ah ehelada gabadhan ayaa sheegay in gabadha yar oo 12 sano jir ah ay xoogeen ciidamada Kenya ee  ku sugan tuulada Khadiijo Xaaji ee gobolka Gedo.

Ugu yaraan 10 Askari ayaa kufsaday gabadhaas yar iyadoo ari la joogta. Waxaana loola cararay degamada Beledxaawo si halkaas loogu soo daaweeyo.

Tuulada Khadiijo Xaajo ayaa ku sugan ciidamada Kenya. Waxaana halkaas ay ka gaystaan tacadiyo qarsoon oo aysan la socon saxaafada maadaama deegaankaas uu ka fogyahay goobaha ay tagi karaan saxaafada caalamka. Maalmo ka hor ayay ahayd markii ay duqeyn ciidamada Kenya halkaas ka gaysteen ay ku dileen ilaa 3 qof oo rayid ah.

Kenya kama hadlin arrintaan. Iyadoo ay sheegeen ehelada gabadhan markii ay ka dacwoodeen sida loola dhaqmay gabadhooda ay si xun ula dhaqmeen, iyagoo ugu hanjabay inay dilayaan.

Halkaan Ka Dhageyso

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media

allgalgaduud@gmail.com