Dhageyso: Hogaamiye Shabaab ah oo arrin yaab leh ka shaaciyey GODANE

0

 Muqdisho, AGGM: Waxaa mar kale lagu faafiyey barta Intenetka hadal uu leeyahay Abu-Yaasir Al-Maqdishi, oo ka mid ah hoggaamiyayaasha garabka Al-Shabaab ee Mukhtaar Roobow, kaasi oo uu si aad ah ugu weeraray kooxda Al-Shabaab iyo hoggaamiyaheeda Axmed Cabdi Godane.

Abu Yaasir Al-Muqdishi ayaa si cad u sheegay in kooxda Al-Shabaab ay tahay koox gaalo ah, oo ay rido iyo gaalnimo ku dhaceen, islamarkaana amiirka Al-shabaab Axmed Cabdi Godane uu yahay Dhaaquut.

Abu Yaasir Al-Maqdishi ayaa sheegay in gaalinamada iyo ridda uu ku dhacay Axmed Godane uuna diiday in ay u xukun tamaan kitaabka Alle, kadib markii khilaaf uu soo kala dhex galay qaar ka mid ah isla hogaanka Al-shabaab.

Waxa kale oo uu sheegay in Axmed Cabdi Godane uu dhiigga muslimka u bareeray, uuna raggii khilaafsanaa maalin cad ku dilay degmada Baraawe, halka Xasan Daahir Aweys uu ka baxsaday magaalada haddana uu u xiran yahay Dowladda Federaalka ee Soomaaliya.

Halkan ka dhageyso Abuu Yaasir Al-Maqdishi

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media

allgalgaduud@gmail.com