DHAGEYSO:-Maleeshiyada Al-Shabaab oo ku faanaya inay go’doomiyeen Buula Mareer

0

Taliska ciidamada Ururka Al Shabaab ayaa sheegay inay go’doomiyeen Degmada Buulo Mareer ee Gobalka Shabeelaha Hoose, oo shalay dagaal culus ay kula wareegeen ciidamada Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo kuwa AMISOM.

Afhayeeenka dhinaca howlgalada ee Al Shabaab Sheekh C/casiis Abuu Muscab oo la hadlay Warbaahinta, ayaa wuxuu sheegay in ciidamada Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo kuwa AMISOM ay ku go’doomiyeen Buulo Mareer oo dhinac waliba ay ka joogaan Xoogaag Al Shabaab.

Wuxuu sheegay in hada ciidamada AMISOM iyo kuwa Dowlada aysan geli Karin Buulo Mareer sidoo kalena aysan kasoo bixi Karin, maadaama sida uu sheegayo Abuu Muscab ciidamada Shabaab ay dib u qabsadeen deegaanka Golweyn, maadaama ay horay usii mareen ciidamada huwanta.

Afhayeen Abuu Muscab, ayaa sheegaya in ciidamada AMISOM iyo kuwa Dowladda ay ku qasbeen inay galaan dagaalka marka ay doonaan kuwa Shabaab inay dagaal galaan.

Ciidamada Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo kuwa AMISOM ayaa dagaal kula wareegay Degmada Buulo Mareer ee Gobalka Shabeelaha hoose oo muddo sanado ah ay gacanta ku hayeen ciidamada Shabaab.