DHAGEYSO:- Puntland Iyo Somaliland Oo Iska Kaashaday Dagaalka Saaxdheer Iyo Madaxweyne Cali Khaliif Oo La Caleemo Saaray

0

Muqdisho,AGGM: Subaxnimadii hore ee maanta ayaa Maleeshiyada Somaliland weerar qorsheysan ku qaadeen magaalada Saaxdheer oo ay todobaadkan qabanqaabada caleema saarka Madaxweyne Cali Khaliif Galaydh iyada oo maalintii shalay diyaarado sida ergoyin ka qaybgalaysa caleema saarka ay ka dwgeen magaalada Buuhoodle, waxaana caleema saarka lagu wadey in uu maanta ka qabsoomo halkaas.

Dagaalku ahaa mid aad u culus oo ciidamada Khaatumo ay markii hore muujiyeen iska caabin xoog leh, ugu yaraan 20 qof oo u badnaa dhinacyadii dagaalamayey ayaa la sheegayaa in ay ku dhinteen halkaas iyada oo dhaawacu intaas ka badan yahay.

Daahir Maxamed Maxamuud oo ka mid ahaa qaban qaabiyaashii xafladda caleema saarka Madaxweynaha Khaatumo ayaa VOA usheegey in caleema saarkii Cali Khaliif uu dhacay iyada oo xabadi socoto.

Khasaaraha dhankooda soo gaarey ayuu Daahir ku sheegey in hal gaari laga gubey laakiin iyaguna ay afar gaari gubeen, Dagaalka waxay ku dileen dad masaakiin ah caruur iyo haween ayuu yiri ninkaan u hadlaayey Khaatumo.

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media

allgalgaduud@gmail.com