DHAGEYSO:- Shacab cabursanaa oo Al-shabaab ku banaanbaxay!!

0

Buulo Bude, AGGM: Markii ugu horeysay waxaa dibadbax aad u xoogan uu ka socdaa degmada Buulo Burde ee gobalka Hiiraan kaa oo ay dhigaayaan shacab badan oo kuwaa oo ka careysan Al-shabaab.

Shacabkaan ayaa ku hadaaqaaya erayo muujinaaya nacaybka Al-shabaab, waxaana ay sheegayaan in marnaba aanay u dulqaadan doonin Al-shabaab go’doominta ay geliyeen degmada Buulo Barde.

Dhanka kale dadkaan ayaa ka codsaday ciidamada DF iyo kuwa AMISOM in Al-shabaab ay ka saaraan meel walba oo ka mid ah gobalka Hiiraan.

Shacabka Buulo Burde ayaa maanta neef baxay maxaa yeelay Al-shabaab ayaa dhibaatooyin xoogan ku haayay, waxaana hadda aad moodaa in ay cabsidii ka baxday.

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media

allgalgaduud@gmail.com