Dhageyso: Xildhibaan Nuur Faarax Oo Beeniyey Warar Been Abuur Ah” Hal Maalin Oo Dib U Dhac Ah Ma Ahan Wax Weyn, Waa Cilad Gaadiid La Xiriirta”

0

Caabudwaaq (AGGM) Xildhibaan Nuur Faarax Baadiye ayaa cod dheer ku sheegay in beelaha walaalaha ay heshiisinayaan aysana jirin wararka been abuurka ah ee la buunbuuninayo eek u aadan in wax kale ay jiraan oo hakinaya nabadaynta dadka walaalaha ah.

Xildhibaanka oo Caabudwaaq ka hadlay ayaa beeniyey in wax dhib ah ay hortaaganyihiin heshiiskii ay ka dhex wadeen labada beelood ee walaalaha ah ee ku dagaalamay Caabudwaaq.

Xildhibaan Baadiye ayaa sheegay in wax walba la isku waafaqay qodobadii ay ku dhexdhexaadiyeen labada dhinac balse ay jiraan ergo gaadiid dartiis u dib dhacay oo loo baaqday.

Xildhibaanka ayaa sheegay in labada dhinac waxgaradkii ka socday ay qaateen heshiiska, aysana jirin cid diidan heshiiska. Wuxuu sheegay in maalinta sabtiga heshiiskaas lagu soo daahfuri doono magaalada Caabudwaaq.

Xildhibaanka ayaa tilmaamay in dhamaan beelaha, dhalinyarada, haweenka iyo waxagaradka. Xildhibaan Nuur Baadiye ayaa yiri ” Inaysan Mar dambe soo laaban ayaan sidoo kale ku howlanahay”.

Halkaan Ka Dhageyso Wareysiga Xildhibaan Nuur Faarax Baadiye Oo Ay Idiin Soo Gudbinayso AGGM

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com