Dhageyso Xog Culus: Maxamed Cabdi Kaliil Oo Yiri” Aniga Waxaa Kismaayo Ii Soo Diray Raisul Wasaare Cabdiweli”

0

Kismaayo(AGGM) Iyadoo ay maqal nagu ahayd in Raisul wasaare Cabdiweli Sheekh Axmed uu ahaa maskaxdii ka dambaysay in Maxamed Cabdi Kaliil uu Kismaayo iska dhiibo ayaa waxaan arrintaas u helnay caddeyn muuqata.

Mid ah dadkii joogay shirar uu maalmahan magaalada Kismaayo ku qabanayay Maxamed Cabdi Kaliil ayaa sheegay in Kaliil uu u sheegay bulshada beesha SADE ee Kismaayo ee uu la kulmay in isagu uusan Kismaayo iska imaan balse halkaas uu u soo diray raisul wasaare Cabdiweli Sheekh Axmed.

Mudane Cabdi Weli ayaa hormuud u ah in beesha SADE gacanteeda laga bixiyo magaalada Kismaayo, taasoo ah masuuliyada 1aad ninka leh, waxaana horey u jirtay in hub, gadiid iyo lacagaba uu u siiyey maleeshiyo beeleedka Raaskambooni si ay xasuuq uga gaystaan magaalada Kismaayo.

Ujeedka qorshahan ayaa ah in dhamaan saraakiisha, aqoonyahana, madaxda, cuqaasha iyo cid walba oo bulshada horsed u ah la hoos geeyo Fartaag, si uu cadkiisa shaqsiga u ah uga bislaysto jabhada ONLF ee Kismaayo joogta.

Halkaan Ka Dhageyso, oo dhagahaaga ku maqal

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com