Dhageyso: Xukuumada Oo Ka War Wareegtay Inay Ka Jawaabto Go’aanki Qalafsanaa Ee Kasoo Baxay Maamulka Puntland.

0

Muqdisho, AGGM: Xukuumada Soomaaliya aya waxa ay si aad ah uga war wareegtaa ka hadalka arrimaha maamulka la magac baxay Puntland.

Afayaheenka Xukuumada Soomaaliya Ridwaan Xaaji C/wali oo Maanta Wariyyeaasha uga Warbaxinayay Shirkii Golaha Wasiirada Todobaad laha ahaa ayaa ka gaabsaday su’aal la weydiiyay oo ahayd sida Xukuumada ay uragto Go’aankii Shalay Kasoo Baxay Madaxda Maamulka Puntland.

Ridwaan Xaaji ayaa Sheegay in uusan kahadlayn Arrinka Punland balse uu ka hadlayo oo qura shirka golaha wasiirada.

Isku soo wada duuboo Dad badankii ayaa is weydiinaya in Xukuumada Soomalaiya mar walbaa ay ka gaabsato Ka hadalka talaabooyinka qalafsan ee ay mar walba qaataan mas’uuliyiinta maamulka Puntland.


Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com