Dhageyso: Yuusuf Indhacade ” Waxa Ishortaagan Awalna Ishortaagnaa Waa Habargidir, Iyageyna Xoorta U Soo Dhacaysaa Ee Maamulkan Haku Heshiiyaan”

0

Muqdisho (AGGM) Yuusuf Maxamed Siyaad Indhacade ayaa taageeray heshiiskii maalmo ka hor lagu sixiixay Muqdisho, oo aan durbaba laga horimaanin. Isagoo sheegay in arrinta ay dawlada ku dhaqaaqday ay tahay mid qurux badan.

Heshiiskaas ayaa wadada u xaaraya sidii maamul mideysan loogu dhisi lahaa gobolada dhexe oo kamid ah meelo ugu halista badan Soomaaliya oo ay naafeeyeen colaado sokeeye.

Indhacade  ayaa si dhab ah runta u taabsiiyey beeshiisa isagoo yiri” Waxa Ishortaagan Awalna Ishortaagnaa Waa Habargidir, Iyageyna Xoorta U Soo Dhacaysaa Ee Maamulkan Haku Heshiiyaan”

Yusuf Indha Cade ayaa muddooyinkan dambe la hadal hayay in loo wado inuu noqdo mid kamid ah safiirada dawlada Soomaaliya. Iyadoo dawlada ay damacsantahay sidii ay uga musaafurin lahayd Muqdisho oo uu taageerayaal iyo hub ku hayso.

Haddaba haddii ay dhab tahay hadalka Yuusuf iyo Indhacade iyo haddii kaleba waxaa hubaal in umada Gobolada dhexe ay u baahanyihiin nabad iyo wadanoolaansho.

Halkaan ka dhageyso hadalka Yuusuf Indhacade

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com