Dhageyso:Falaagada Al Shabaab Oo Gaadiid Ka Afduubtay Balad Xaawo Iyo Mandera.

0

Balad Xaawo, AGGM: Wararka naga soo gaaraya degmada Balad Xaawo ee gobolka Gedo ayaa waxa ay sheegayaan in falaagada Al Shabaab ay gaadiid ay lahaayeen dad rayid ah kasoo dhaceen Balad Xaawo Iyo Mandera.

Cabdi Buule Cabdulle oo ka mid ah Saraakiisha Ciidamada Dowladda Soomaaliya ee gobolka Gedo oo la hadalay Warbaahinta gudaha dalka ayaa waxa uu sheegay in Al-shabaab labo Gaari oo uu Mid qaad Siday ay Afduubteen.

Sidoo kale Cabdi Buule ayaa waxa uu sheegay in Labadaas Gaari ay la haayeen Dad Shacab ah ay ka Duleedka Degmada Baled-xaawo Afduubteen Rag ka tirsanaa falaagada Al-shabaab.

Isku soo wada duuboo Mas’uulkan ayaa waxa ku eedeeyay Al-shabaab in Shacabka ku nool Gobolka Gedo ay dhibaato ku hayaan oo ay ka mid yihiin Afduubka iyo Dhac uu sheegay in lagu haayo.

 

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com