Dhageyso:Golaha Wasiirada oo meel-mariyay Hindise Sharciyeedka Waxbarashada

0

Muqdisho, August 28, 2014 — Ku-simaha Ra’iisul Wasaaraha ahna Ra’iisul Wasaare-ku-xigeenka  Xukuumadda Federaalka Soomaaliya iyo wasiirka Diinta iyo Awqaafta  Mudane Ridwaan Xersi Maxamed  ayaa maanta  shir guddoomiyey kulanka caadiga ah ee Golaha Wasiirada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya. Shirka ayaa maanta lagu meel mariyay sharciga Waxbarashada Qaranka, waxana sidoo kale warbixin looga dhagaystay guddiga gurmadka abaaraha.

Gabagabadii kulanka kadib, ayaa waxaa warbaahinta la hadlay Afhayeenka Xukuumadda Ridwaan Xaaji Cabdiweli, isaga oo xusay in goluhu ay ka doodeen qodobo dhowr ah oo ay ugu horeysay sharciga warbaahinta iyo waxbarashada, waxaana  falanqeyn dheer kadib si buuxda loo meel mariyay sharciga Waxbarashada Qaranka.

Wasiirka Beeraha Mudane Cabdi Axmed Baafo oo dhankiisa warbaahinta la hadlay ayaa sheegay booqashooyin loogu kuurgalayo xaaladaha deegaanada  ay sida daran u saameeyeen abaaruhu in ay booqdeen, isla markaana ay kusoo arkeen xaalado bani’aadamnimo oo u baahan gurmad deg deg ah.

“Waxaa noosuuragalay safarkii ugu horeeyay oo  gobollada Gedo iyo Bakool ugu ambabixinay  saddex boqol oo tan (300)  oo loogu talagalay degmooyinka go’doonka ku jira, labada beri oo soo socotana waa gaari doonaan, waxana raashinkaas galbiyay Ciidanka Xogga dalka Soomaaliyeed, guddigu wuxuu sidoo kale booqday gobollada Bakool iyo Gedo gaar ahaan  degmooyinka Xudur iyo Doolow” ayuu yiri Wasiir Baafo.

 

Sidoo kale guddiga ayaa u mahadceliyay  Madaxweynaha Jamhuuriyadda Jabuuti Mudane Ismaaciil Cumar Gelle oo gurmad ugu deeqay dadka ku dhibaataysan degmada Buulo-burde oo kamid ah goobaha ay ka jiraan abaaruhu.

Ugu danbeyn, Shirka ayaa looga dooday  Hindisa-sharciyeedka Saxaafadda kaasoo ah mid waa cusub u billaabaya saxaafadda Soomaaliya, siinayana xorriyad aan wali soo marin, isla markaana qeexaya xuquuqda iyo masuuliyaadka ka saaran dalka iyo bulshada ay warka u gudbinayaan.

—DHAMMAAD—

Ahmed-nuur Mohamed
Waaxda Warfaafinta ee XRW
Muqdisho, Somalia
Tel: +252 6155 02546
Email: media@opm.gov.so 
Twitter: @SomaliPM

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com