Dhageyso:Raxan Daanyeero Ah Iyo Dad Ku Dagaalamay Deegaanka Yaaqle Ee Gobolka Gedo.

0

Yaaqle, AGGM:Deegaanka Yaaqle ee Gobolka Gedo ayaa Dad Reer Guuraah ah ay ku soo weerareen Raxan daanyeero ah,kuwaas oo Labo Ruux halkaa ku dhaawacay.

C/rixmaan Cismaaciil Maxamed Gudoomiyaha Deegaanka Yaaqle ee Gobolka Gedo oo la hadlay warbaahinta ayaa sheegay in Raxan daanyeero ah ay Weerar ku qaadeen Cid Reer Guuraa ah oo Xiligaa Furayay Dhaan ay kasoo rarteen Meelaha Biyaha leh.

Gudoomiye Cabdiraxman ayaa sheegay in Daanyeeradaas ay ku dageen Dameer Cida ay soo dhaansatay islamarkaana dameerkii ay meesha ku Cuneen Labo qofna ay ku dhaawaceen.

Gobolka Gedo ee Koofur Galbeed Soomaaliya ayaa ka mid ah Gobolada Dowladda Soomaaliya ay ku dhawaaqday in ay ka jirto Abaarta ka taagan dalkeena Soomaaliya.

abaaraha gedo

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com