Dhageyso:Xildhibaan Ibraahim Suleymaan “Faarax Cabdulqaadir Dastuurka Dalka Ayuu Doonayaa Inuu Wax Ka Badalo”.

0

Muqdisho, AGGM:Xildhibaan Ibraahim Suleymaan Ilkacase oo kamid ah Mudanayaasha Baarlamaanka Somaliya ayaa isagoo kusugan Dalka Mareykanka waxa uu Eedeyn ujeediyey Wasiirka Wasaarada Garsoorka & Arimaha Dastuurka Somaliya Faarax Shiikh C/qaadir.

Waxa uu Xildhibaan Ilkacase ku Eedeeyey Wasiirka inuu sameynayo Awood ka baxsan Hay’adaha kale ee Dawlada uu isaga go’aan keligiis ah ka qaadanayo wax ka badalka Dastuurka Dalka.

Wasiir Faarax ayaa waxa la sheegay in Gudiga Dastuurka Dalka qaabilsan isagoo aan la tashan uu wax ka badalay kaasi oo garab maray Ilaaliyeyaasha Dastuurka oo ah Gudiga Baarlamaanka uqaabilsan Dastuurka.

Xildhibaan Ibraahim Suleymaan Ilkacase ayaa sheegay in marka uu furmo Kalfadhiga Baarlamaanka loo yeeri doono Wasiirka Garsoorka iyo Arimaha Dastuurka Somaliya Faarax Shiikh C/qaadir kaaso wax badan la su’aali doono.


Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com