Dhambaal Tacsiyeed: Salaadiin, Mas’uuliyiin Iyo Saraakiil Sare Oo Ka Tacsiyeeyay Geerida Allaha U Naxariistee Marxuum Xaaji Yuusuf Muuse.

0

Dhambaal Tacsiyeed: Geeridu waa xaq waxaa halkaan Tacsi xanuun badan ka diraya Rugcadaa Soomaaliyeed oo ka xanun saday Geeri naxdin leh oo ku timid eebe Janadii ha geeyo Siyaasi taariikh weyn ku leh Konfurta Soomaaliyeed, isla markaana ahaa shaqsi u ololeeya xasilinta gobolka Gedo, iyo sidii dadku horumar u gaari lahaa.

Eebe Weyne Janadii Ha geego waxaa shalay magaalada Nairobi ee dalka Kenya ku geeriyooday , Xaaji Yuusuf Muuse oo ahaan jiray Gudoomiyihii degmada Beled Xaawo xiligii dowladii Dhexe, kadibna ahaa nin howlihii uu bulshada u hayay halkii ka sii anba qaaday qaranjabkii kadib, isaga oo waxyaabo badan ka sameeyay gobolka gedo gaar ahaan magaalada xaduuda ku taala ee Beledxaawo.

Waxa uu xiliyadii u danbeeyay ku xanuunsanayay Nairobi waxaana oofsaday Allihii abuuray. waxan inaga oo ka xanuunsanayna taci u diraynaa eheladii, Qarabadii, caruurtii, Xasaskii, iyo asxaabtii uu ka tagay, waxana leenahay Hooygaagu janada Noqoy Ku aroor Fardowsiyo Halkay Ambiyadu joogeen.

Tacsidan Waxaa diraya.

Ugaas:  Mohamed Ugaas Cumar

Ugaas:  Ciise Ugaas Cabdulle

Suldaan:  Maxamed  Yaroow

General: Cumar Xaaji  Masale

General:  Ahmed Warsame

Col:  Barre Aadan Shire (Hiiraalle)

Col: Cabdi Cigaal

Col: Cabdirisaaq Isaaq Biixi

Col: Axmed Shire Warsame

Col: Yuusuf Kaanti

Col: Aadan Koronto

Xareed Yarow

Xaawo Ugaas Faarax

Xaydar Cali Cagweyn

C/laahi Xaashi Waranle

Yuusuf Wacays (Yusuf Gare)

Cabdi Maxamed Dhoonbe

Cabdi Xalane Cabdule (Kudin)

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com