Dhegayso: PRO: GEEDI oo beeniyey In Lagu qabtay dagaalka Saaxdheer, Waan Ka xumahay dhiiga uu Isaaq daadinayo

0

Ra’isul-wasaarihii hore ee Dowladdii KMG, Prof. Cali Maxamed Geeddi ayaa si kulul u beeniyey war ay WarbaahintaWaan ka xumahay in Isaaq maanta dhiig daadiyo ka soo xigteen Maamulka Somaliland oo ay ku sheegteen inay dagaalkii Saaxdheer ku qabteen Prof. Cali Maxamed Geeddi iyo xubno kale.

Prof. Geeddi oo isagoo ku sugan magaalladda Dubai ee dalka Imaaraadka Carabta Wareysi siiyey Idaacadda Dalsan ayaa sheegay inatsan waxba ka jirin warka Somaliland ee ahaa inay isaga ku qabteen dagaaalkii Saaxdheer, wuxuuna xusay inuu aad uga xun yahay weerarkii lagu qaaday Deegaanka Saaxdheer ee lagu daadiyey dhiigga dad Soomaaliyeed.

Mar wax laga weydiiyey sida uu ku soo gaaray warka la xiriira inay Milliteriga Maamulka Somaliland gacanta ku dhigeen, waxa uu sheegay inay dad asxaabtiisa ah la soo xiriireen, isla markaana uu ka arkay qaar ka mid ah Shabakadaha Wararka oo baahiyey warkaasi aan xaqiiqda ku fadhinin.