Digniin Sawiro Naxdin Leh:Kooxda Xagjirka Ah Ee ISIS Oo Gowracday Wariye James Foley Oo U Dhashay Dalka Mareykanka.

0

Muqdisho, AGGM:Kooxda xagjirka ah ee ISIS (Daacish) ee ka dagaalanta dalalka Suuriya iyo Ciraaq ayaa shabakad ay leeyihiin kusoo bandhigay muuqaal wariye Mareykan oo ay gowracayaan, iyadoo afhayeen u hadlay Aqalka Cad uu sheegay inay baarayaan arrintan.

Wariye James Foley oo la waayay bishii November ee 2012-kii, iyadoo kooxo hubeysan ay k afduubeen gudaha dalka Suuriya, tan iyo xilligaasna wuxuu gacanta ugu jiray kooxihii afduubay.

Foley ayaa akhriyay bayaan ka hor intii aan la gowricin, isagoo dowladda Mareykanka ku eedeeyay inay tahay mida ka mas’uulka ah gowriciisa, iyadoo markaas kaddibna la gowracay.

Ururka Daacish ayaa sheegay in tallaabadan jawaab u tahay fara-gelinta uu Mareykanka ku sameeyay dalka Ciraaq iyo duqeymaha ay diyaaradihiisu ka wadaan deegaanno ku yaalla Waqooyiga dalkaas.

Muuqaalka gowraca wariyaha Marekanka ah oo lasii daayay shalay ayaa ah tallaabadii ugu horreysay oo farriin loogu dirayay Mareykanka, iyadoo tani ay cabsi weyn gelisay wariyeyaal caalami ah oo ku sugan dalalka Ciraaq iyo Suuriya.

Sidoo kale, kooxdu waxay sheegtay inuu gacantooda ku jiro wariye kale oo u dhashay dalka Mareykanka, kaasoo lagu magacaabo Steven Sotloff, kaasoo isna la qafaashay bishii July ee sannadkii hore.

Xubno u hadlay kooxdan islaamiyiinta ah ayaa sheegay in dilka wariyahan ay ku xiran tahay hadba tallaabada uu qaado Mareykanka, sida lagu sheegay qoraal ay kooxdu soo saartay gowricii Foley kaddib.

Diyaaradaha Mareykanka ee aan duuliyaha lahayn ayaa duqeymo xooggan ka geysanaya goobaha ay kooxda Daacish gacanta ku hayso ee dalka Ciraaq, iyadoo kooxduna ay isku dayayso inay deegaanno kale oo cusub ka qabsato dowladda dalka Ciraaq.

jn1

jn

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com